You are currently viewing Weerarka ay al shabab ku qaaday Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow

Weerarka ay al shabab ku qaaday Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow

Wararka24, Daahir Jeesow oo bilihii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xalay weerar lagu qaaday.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa hogaaminaya ciidamo badan oo beeshiisa ah oo ku sugan deegaanka Galjecel, kuwaasi oo u diyaar garoobay sidii ay bulshada uga xoreyn lahaayeen Al-Shabaab.

Jeesow ayaa sheegay in xalay weerar xooggan ay kusoo qaadeen Al-Shabaab, islamarkaana ay iska caabiyeen oo ay jabiyeen kooxdii soo weerartay fariisimaha ay ku leeyihiin deegaanka Yaaqbariweyne.

Wuxuu sheegay in meydad badan ay ka carareen magaalada, ayna soo bandhigi doonaan meydadka kooxdaasi.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in Ciidamadooda ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalkaasi, waxaana Askarta ku dhaawacantay xalay loo qaaday Xerada Ciidamada Danab ee Balli-doogle, halkaasi oo lagu daweynayo.

Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in weerarka Al-Shabaab uu ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah, kadibna uu dhacay weerar toos ah, kaasi oo socday ilaa ay ka adkaadeen kooxda Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.