Articles in the war kooban Category
war kooban »
Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa sheegay in xalka keliya ee Al Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadii qaraxyadii ka dhacay Kampala uu yahay in la tirtiro oo saaxada caalamka laga baabi’iyo.
Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii lala beegtay dad shacab ah oo Axaddi la soo dhaafay  ka dhacay magaalada Kampala, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof, 80-kelena ay ku dhaawacmeen.
“Ma jirto wax raja ah oo laga qabo in waanwaan iyo wadahadal lala galo kooxdaan, ma jirto xal kale. Waa in laga shaqeeyaa sidii kooxdaan loo tirtiri …
war kooban »
Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Boosaaso dil ugu geystay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada maamulka Puntland ee qeybta gobolka Bari.
Sargaalkaan oo magaciisa lagu sheegay Gacameey kana tirsanaa ciidamada maamulka Puntland ayaa xalay waxaa xeebta magaalada Boosaso ku toogtay laba nin oo bastoolado ku hubeysnaa xilli uu ka soo baxay salaada cishaha  kuwaas oo goobta ka baxsaday markii ay falka geysteen.
Ciidamo aad u farabada oo  maamulka Puntland ayaa daqiiqado kaddib  gaaray goobta uu falku ka dhacay ayagoo goobta ka qaaday meydka sargaalka, islamarkaan halkaasi ka qabqabtay ilaa shan qof oo lala xiriirinayo …
war kooban »
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG-ka Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid ayaa shaaca ka qaaday in qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda ay sii xoojin doonto  dadaalka Nabadeed ee geeska Afrika gaar ahaan howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaaraha  ayaa sheegay in Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda ay  keeneyso in ay Wadamada Ciidamadoodu joogaan Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay sii laba jibaaraan dadaalka Nabad ilaalineed ee ay ka wadaan Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Kooxihii ka dambeeyay Falkaasi ay yihiin Cudur faafaya loona baahan …
war kooban »
Dalku difaac buu rabaa, Dib u dhisid buu rabaa, Dadku hoggaan bey rabaan, Caddaalad bey doonayaan, Wey dulleysan yihiine, Daa’inkeen ka sokow, Xumahaa ku soo degay, yaa ka dulqaadi kara, Diidi kara waxyeelleyn, Diinta ugu gargaara, Dulmiga suulin kara , Dira caasi waa kuma, Dadaalka muujin kara!?.
Dal waxaa dhisi kara daacad qabe dantiisa gaarka ah ka hor mariya danta guud, isla markaana dalka iyo dadkaba horu kacooda jecel, waxaase taa diida damiir laawaha u xiiqsan gaarista saldanadda ee uu sida xun u madax waalay damaca kursiga, isaga oo aan raad …
war kooban »
Xukuumada Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa loogu baaqay in ay kalsooni soo weydiisato Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii dhowaan isku shaandheyn lagu sameeyay.
Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ku doodaya in Xukuumada looga baahan yahay in ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka, iyagoo sheegaya inay sharci tahay in Baarlamaanka la horkeeno Xukuumada cusub.
Xildhibaan Saleebaan Cabdi ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay ka doonayaan inuu hor keeno Xukuumadiisa Baarlamaanka, si cod loogu qaadi Golaha Wasiirada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay.
Xubnaha Baarlamaanka qaarkood ayaa gambar gaaban ugu fadhiya Xukuumada uu isku shaandheeyay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana …
war kooban »
Hogaamiyeyaasha urur goboleedka IGAD, ayaa shir deg deg ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadda iyo ammaanka ee Soomaaliya ku yeeshay magaalada Addis Ababa.
Shirku waxa uu go’aansaday qoddobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin in AMISOM iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay lagala shaqeeyo sidii labaatan kun oo askari loo keeni lahaa dalka Soomaaliya oo dhan.
Shirku, waxa uu hoosta ka xariiqay si taas loo suurta galiyo ay muhiim tahay in xoogagga Soomaaliya loo diyaar gareeyo suurtagalnimada in ciidamo dalalka deriska ka socda ay soo galaan dalka.
Shirku waxa uu sheegay in …
war kooban »
Hogaamiyeyaasha urur goboleedka IGAD ee Afrikada Bari, ayaa kulan deg deg ah uga bilaabanayaa magaalada Addis Ababa, kaasi oo looga hadlayo degenaansho la’aanta sii socota ee xaaladda siyaasadda iyo ammaanka ee Soomaaliya.
Urur goboleedka IGAD ayaa doonaya in ciidamo ka socda Qaramada Midoobay ay beddelaan ciidamada Midowga Afrika ee haatan ku sugan dalka gudihiisa.
Sidoo kale waxa ay doonayaan in deeq bixiyeyaasha ay ka dhabeeyaan taageerada dhaqaale ee ay u balan qaadeen Soomaaliya.
Shirkan magaalada Addis ababa ayaa la filayaa inay ka soo baxaan dhawr talo bixin oo la hor dhigi doono shirweynaha …
war kooban »
Afhayeenka Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh C/llaahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi oo warbaahinta la hadllayay ayaa si kulul u weeraray Liiska Golaha Wasiirrada cusub ee maalintii shalay looga dhawaaqay Xafiiska R/iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Al Qaadi waxaa uu sheegay in qaabka hadda wax loo dhigay ay ciriri galin doonto geedi socodkii nabada iyo howlihii dib u heshiisiinta ee la waday, waxaana uu intaa ku darray in Ahlu Sunna Waljameeca waxba ku laheyn Golaha Wasirrada cusub ee la magacaabay.
”Runtii waxaan u aragnaa in Ahlu Sunna Waljameeca loola dhaqmay qaab Jees Jees …
war kooban »
Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirada Xukuumadda KMG ee Soomaaliya.
Afhayeenka Xukuumadda C/qaadir Walaayo ayaa warbaahinta u aqriyay liiska wasiirada oo u qornaa sidatan:-
R/wasaare ku xigeen ahna Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Sh Aadan Maxamed Nuur (Madooobe).
R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka kalluumeysiga iyo kheraadka badda. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibraahin (Ibbi).
R/wasaare ku xigeenka wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka. C/waaxid Cilmi Goonjeex.
Wasaaradda Garsoorka iyo caddaaladda. C/kariim Axmed Cali.
Wasaaradda arrimaha dibadda Yuusuf Xsan Ibraahin dheeg.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sh. C/qaadir cali Cumar.
Wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi.
Wasaaradda Amniga Qaranka …
war kooban »
Dagaalka Muqdisho ka socda ayaa bilaamay saakay siddeedii subaxnimo, waxaana qaaday dagaalka ciidamada dowlada iyo ciidamada AMISOM oo is kaashanaya iyadoo Madaxda sare ee Dowladda ay ku sugan yihiin jiida hore ee dagaalka.
Dagaalka ayaa ka socda degmada Cadicasiis iyo agagaarka hotel Global halkaas oo maalmahan ay ku dagaalamayeen Ciidamada Dowladda iyo kooxaha mucaaradka.
Goobta dagaalka waxaa ku sugan Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed oo ay la socdaan taangiyada ciidamada AMISOM.
Inta la ogyahay lix qof ayaa dagaalka ku dhintay, sagaal iyo toban qofna waa dhaawac.
Magaalada oo dhan waxaa la maqlayaa madaafiicda iyo hubka …
