Articles in the Qoraalo kooban Category
Qoraalo kooban »
Waxaa hamaynkii xalay ahaa lagu qabtay magaalada Karachi ee koofurta dalka Pakistan Xaflad si aad ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay sanad guurada 50aad ee kasoo wareegatay markii ay Somaliya gaar ahaan gobalada koofureed ka xoroobeen gumaysihii talyaaniga.
Â
Xafladaan oo ahayd mid soo jiidasho leh ayaa waxaa kasoo qayb galay dadwayne isugu jira aqoonyahano, arday, dhalinyaro, hooyooyin iyo caruur, waxaana intii ay socotay madasha xaflada lagu soo bandhigay waxyaabo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen qudbado, majaajilo, heeso, gabayo iyo sidoo kale duco si wada jir ah loogu …
Qoraalo kooban »
Waxaa uu ahaa Horyaal xiiso adag yeeshay 10 kii Cayaarood ee ugu dambeeyay kadib markii cagta cagta la isku saaray oo koox walba Cayaar kasta fiinal u ahayd, hase yeeshe sida muuqata waxaa lagu kala baxay 90-kii daqiiqo ee ugu dambeysay oo la cayaaray maanta oo axad ah.
Naadiga Kubadda Cagta Inter Milan, waxaa sidii koolada oo kale ka fogi weysay oo farqaha haysatay kooxda Roma, wax sidaas ahna lama kala fogeyn mar waxay Inter ku haysay hoggaanka hal dhibco mar kalena labo dhibco oo kaliya.
Bishii Octobar ee sanadkii hore cid …
Qoraalo kooban »
Waxaan la soconaa in dhawaan la filayo in la qabto doorashada XSKC (waa haddii aay xilkooda iyo waajibaadkooda ka soo dhalaalaan Guddiga fulinta XSKC), haddii kalase waxaa laga sugayaa GOS iyo Wasaaradda Sportiga in aay Soomaali u sheegaan waxa aay doorashadu u qabsoomi la’dahay.
Waxaa kaloo islamarkiiba maskaxda inta wax fahamsan ku soo dhacaysa mas’uuliyadda saaran Guddoomiyeyaasha kooxaha oo aan halkaan lagu soo koobi Karin, taasoo aan manta diirada qoraalkeygaan aan saari doono.
Â
Waxaan xasuusanaa haddii aan in yar dib ugu noqono doorashadii afar sano ka hor lagu qabtey magaalada Baydhabo, waxaan …
Qoraalo kooban »
CALI IYO DHOOLOOW CIYAAW.
CAROONE MUUSOOW CIYAAW
CUMAR IYO CABDALLOOW CIYAAW
LABA CIISOOW CIYAAW
CIIDANKII DAANWENOOW CIYAAW
COL U JOOGGII GALMAAXOOW CIYAAW
CIILTIYAASHII MUDDULLOODOOW CIYAAW
Buunkii xorriyadda waa sidoow U billawday
Assalaamu Calaykun Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatu Ummadda
Soomaaliyeed; Waxaa mahad iska marka hore Ilaahay, naxariis iyo nabadgelyo Nabigeenna Muxammad SCW. Waxaan mahad u celinayaa Madaxa Hay’adda CCD Mudane Ciise Axmed Ciise oo noqday halyeey u soo baxay Beesha Muddullood; Mudane Ciise Axmed Ciise waxaa uu qabtay hawl qof waliba oo naga mid ama soomaalida qof kii wa gananaya uu ku marxabbayn doono uguna bogaadin, taariikhdana xusuusan doonto asagoo …
Qoraalo kooban »
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, waa ruug caddaa siyaadda Soomaaliya.
Waxaa uu si xoog leh uga qeyb qaatay dhaqdhaqaaqii Gobannima Doonka loo galay Soomaaliya.
Wuxuu noqday Raiisal Wasaare, markii uu xilka hayay Madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya, Adan cabdulle Cusmaan.
Falanqeynta
Â
Cabdirisaaq, waxay dad aqoonyahanno ahi ku tilmaameen in uu ku dhaqmi jiray maamul hufan, oo la dirira xatooyada hantida Umadda.
Barnamijkan Falanqeynta, wuxuu uga hadlayaa, laga soo billaabo 1969, markii ay militerigu la wareegeen awoodda Soomaaliya ilaa iyo maanta marxaladihii siyaasadeed ee dalka ka dhacay.
Wuxuu si gaar ah u eegayaa wadahadal dhex maray Wasiirka Difaaca ee 1969, …
Qoraalo kooban »
Qoraaga Soomaaliyeed ee caalamiga ah Nuuradiin Faarax ayaa ka mid noqday guddi ka koobnaa 8 garsoore ee loo doortay inay qiimeeyan go’aanna ka gaaraan filimada lagu soo bandhigayay Maharajaanka Aflaamta ee Berlin 2010 oo lagu Magacaabo Berlin Film Festival ee dalka Jarmalka.
Â
Abaalmarintan ama Jaa’isadan qaaliga ee laga baxiyo maharajaankam ayaa lagu magacaabaa Golden Bear waxaana u tartamayay aflaam kala ceyn ah oo caalamka lagu soo kala sameeyay iyadoo  gudigii garsoorka oo uu ka mid ahaa Qoraaga weyn ee Soomaaliyeed Nuruddiin Faarax ay si lama filaan ah  u doorteen in la …
Qoraalo kooban »
Bishan oo kale 15-ka Febraayo 1960-kii waxaa la unkay awooda ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo la ogsoon yahay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen iyo howlgaladii ay qaadeen, hase ahaatee inta aan u guda gelin taariikhda ciidanka cirka aan taabto awoodii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo sababihii burburkooda u sabab ahaa.
Jiritaanka ciidanka Qalabka sida wuxuu heerkii ugu sareeyay gaaray markuu Taliyaha u ahaa Allaha u naxariistee Gen. Daa’uud Cabdulle Xersi, waxayna soo dedejisay geeridiisii niyad jab ku yimid ciidankii qalabka siday kana wal walaan cidda ugu danbeyn doonta hoggaankiisii …
Qoraalo kooban »
Salaama calaykum waraxma tulaahi wabaraakat ; waxan madashatan idiinku soo bandhigayaa maanso aan tiriyay oo magaceedu yahay Dhaqan Guur, micnaheedana aad ka fahmidoontaan midhaha ay ka unkantahay, hadaba waxan idin leeyahay dhamaantiinba akhris wacan
Maanso : Dhaqan – Guur.
Indhowaydba maansiyo
Tusaalii ma dhigin oo
Waan ka dhawrsanaayee
Faysaloow dhawaaq kale
Hadal dhiifta kulul oo
Dhag tu ay la yaabtiyo
Hurdo taan ku dhawrtaba
Gama’ii dharaarahan
Kuma dhalan xagaygoo
Dhalandhoolka waaberi
Socodkaan dhakoolaa
Dhibihayn naftaydoo
Waxa dhaliyay buuqaa
Ana dhabarka ii jabin
Baadi dhigay hortaydii
Dhami uunka oo idil
Dhaqan galay hugaygoo
Udub dhigay awoowgeen
Iyo dhaxalka koowaad
Hide dhixirka ii xidhay
Misna raacay dhiigay
Hadba dhaladka waagana
Waxan dhinac ka raadshaa
Beeshu dhigay socdaalkii
Ku …
Qoraalo kooban »
Qormadeenan maanta waxaynu ku soo qaadan doonaa afafka caalamka lagaga hadlo iyo siday isu bedbeddelaan horumarkooda amma dib-u-dhacooda, kuwaas oo saameyn weyn ku yeesha hadba bulshooyinka ku hadla iyo degaannada ay ka soo jeedaan.
Haddaba, luqad waxa lagu qeexaa inay tahay xidhiidhka is-faham ee bulsho, laakiin muhiimadeedu maaha taas oo keliya ee waxa kale oo ay tahay astaan iyo baadi-sooc ummaddeed, waanna meelaha laga qiimeeyo horumarka amma dib-u-dhaca mujtamacaas.
Luqadi waxay ku horumartaa hadba siday bulshadaasi u ilaashato, isla markaana uga shaqayso, uguna dedaasho wixii ku soo kordha erey-bixinteeda iyo astaynteeda afafka …
Qoraalo kooban »
Somalilad waxaa ku soo badana waxyaabo badan oo aan hore loogu arki jirin marba marka ka sii danbaysa, sida Mukhaaradaadka ama Maandooriyeyaasha halista u ah Dhalinyarada Da,da yar ee soo koraya.
Sidaynu wada ognahay dhibaatada haysata darbi jiifka s/land marka aad eegto gaar ahaan magaalada hargaysa ama aad indho indhayso waxad ku arkaysaa dhalinyaro da,doodu udhaxayso 6-sano ilaa 20-sano oo wadaayinka iyo darbiyada Hargaysa Xabag la taagan, taasi oo maalinba maalnta ka dambaysa isa soo taraysa, dhibaatadani waxa ay noqotay mid aan lasoo koobi Karin, da’yartan soo koraysa oo ku kacday …
