Home » Archive

Articles in the Warka Madaxdiisa Category

Warka Madaxdiisa »

[1 Aug 2010 | No Comment | 37259 views]
Fadhigii baarlamaanka ee maanta lagu balansanaa oo dib u dhaca

Wararka ka imaanaya caasimadda Muqdisho ayaa sheegaya in fadhi lagu waday in uu maanta yeesho golaha baarlamaanka islamarkaana uu kasoo qeyb gali lahaa ra`iisal wasaaraha Soomaaliya uu dib u dhac ku yimid.
Maanta oo Axad ah ayaa lagu balansanaa in la hor keeno xukuumada ra`iiisal wasaare Cumar baarlamaanka, waxaana baaqashada kulankan lagu sheegay in ay ka dambeysay cago-jiid dhanka xukuumada ah iyadoona xildhibaano qaarna ay codsadeen in dib loo dhigo.
Shalay ayay aheyd markii gudoomiye xigeenka Baarlamaanka A/weli Mudey ka dhex sheegay baarlamaanka in maanta oo Axad ah la horkeeni doono baarlamaanka …

Warka Madaxdiisa »

[9 May 2010 | No Comment | 372137 views]
Xasan Dahir oo ku hadlaya eriyo ay u soo meeriyeen shabaab, kana hor yimid Culumaa’udiinka

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa naqdiyay bayaan ka soo baxay Xarakada Al-Ictisaam oo ah Urur Islaami ah ay ku bahoobeen Culumaa’udiin caan ah oo qaarkood ka tirsanaa Ururkii la oran jiray Al-Itixaad.
Sheekh Xasan Dahir oo khudbad ka jeediyay duhurnimadii maanta Masaajidka Abuu Hureyra oo Xisbiga uu hogaamiyo ku qabatay Nadwo ka dhan ah Al-Ictisaam ayaa ku gacan seyray bayaankii ay ka soo saareen Garowe.
“Horta waxaa ila yaab ah, in nin ka mid ah oo aan la hadlay, ayuu igu dhahay qaladaad badan ayaa Jihaadka laga galay, …

Warka Madaxdiisa »

[6 May 2010 | No Comment | 372150 views]
Maleeshiyo Shabaab ah oo Magaalada Baydhabo ku soo rogay canshuuro baadil ah

Guri kasta oo ku yaala Magaalada Baydhabo iyo goobaha ganacsiga ayaa lagu soo rogay lacago baad ah in ay bixiyaan sidaan waxaa yiri Xaaji Aadan Madkeer Isaaq oo saaka u waramayay wararka24.com.
Dablayda shabaab ayaa waxay ka doonayaan dhismayaasha xaafadaha ama guri walba lacag boqol kun oo shillin soomaali ah bishii, lacagtaas ayay shabaabka ku sheegeen mid lagu taageerayo dhalinyarada u dagaalanta kooxda shabaab.
Sidoo kale goobaha ganacsiga ee Magaalada Baydhabo ayaa lacagtaas laga doonaya in ay bixiyaan.
Suuqa lagu iibiyo xoolaha iyo gaadiidka ka baxa magaalada Baydhabo iyo midka soo gala magaalada …

Warka Madaxdiisa »

[23 Mar 2010 | No Comment | 372123 views]
Ururada, Bulshada, odayaasha dhaqanka, barakacayaasha iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Baay iyo Bakool ayaa laaday eedeyn loo jeediyay ganacsade Sh Ibraahim C/llaahi

Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Dhaqanka iyo malaaqyada gobolada Baay iyo Bakool ayay kaga hadleen Warbixintii Guddiga Dabagalka Xayiraadda Hubka ee Soomaaliya taasoo xambaarsaneyd eedeymo loo jeedinaayo dhammaan qaybaha siyaasadda iyo Bulshada, sida DFKMG, Maamulka Puntland, Kooxaha Siyaasadda ee Dalka ka jira, NGO-yada Maxaliga ah, Ganacsatada iyo Odayaasha Dhaqanka
 
War ay si wada jir ah u soo saareen hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxay ku cambaareeyen warbixintii Guddiga Dabagalka Xayiraadda Hubka ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta kaga aadan ganacsatada xiriirka la leh hay’adaha qaramada …

Warka Madaxdiisa »

[10 Mar 2010 | No Comment | 372162 views]
Dagaalyahano Al qaacida iyo Shabaab oo lagu dilay dagaal ka socda magaalada muqdisho

Dagaalyahano ajanabi ah iyo dablay shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay dagaal culus oo saaka waaberigii ka bilawday magaalada muqdisho iyadoo dagaalkan uu sababay in ciidamada dowladda ku sii sigaan degaano ay horey u joogeen shabaabka.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka shabaab iyo dagaalyahano ajanabi ah kuwaas oo dhibaatooyin ballaaran ku haaya shacabka soomaaliyed.
Sida ay sheegayan wararka dagaalka ayaa waxaa uu inta badan ka dhacayaa degmada xeebta xigta ee C/casiis halkaas oo muddo isku hor fadhiyeen Ciidamada Dowladda iyo dablayda shabaab.
Ciidamada Dowladda ayaa ku …

Warka Madaxdiisa »

[26 Feb 2010 | No Comment | 372150 views]
Maleshiyada Shabaab oo laga saaray Degmada Galhareeri G/Galgaduud

Dagaal u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Maleeshiyada Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud iyadoo gacan ku heeynta Magaalada ay la wareegeen dadka deegaanka.
Wararka laga helayo Degmada Galhareeri ayaa sheegaya in Magaaladaasi ay la wareegeen deegaanka, kadib markii Ciidamo Deegaanka ah ay saqdii dhexe ee xalay soo weerareen dhowr fariisimo oo ay Maleeshiyada Shabaab ku lahaayeen Magaaladaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal aad u culus oo socday ilaa waaberigii saaka,iyadoo Maleeshiyada Shabaab ay isaga baxeen Magaaladaasi isla markaana ay haatan ku suganyihiin halkaasi dadka Deegaanka.
Sidoo …

Warka Madaxdiisa »

[30 Jan 2010 | No Comment | 372181 views]
Shabaabka Jowhar oo xabsiga ka buuxiyay Haween fara badan

Maleeshiyada Al Shabaab ee maamusha Magaalada Jowhar ayaa xabsiga magaalada Jowhar ka buuxiyay Haween fara badan oo saacadihii la soo dhaafay ku soo qab qabteen howl galo ay ka sameeyeen magaalada.
Howl galkan oo ay qaadeen dablayda  loo yaqaano Xisbada ayaa lagu soo qab qabtay sodomeeyo haween oo isugu jiray kuwo da’ ah iyo kuwo dhalinyaro ah, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay jebiyeen amaradii dhinaca Shareecada ee uu maamulka soo rogay.
Maleeshiyada  Xisbada oo watay gawaarida ay soomaalida u taqaano Hoomey ayaa laga soo xaabiyay haweenka xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada, …

Warka Madaxdiisa »

[30 Nov 2009 | No Comment | 372300 views]
Shabaabka oo dad ku dilay Magaalada Jowhar

Amaanka Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa faraha ka sii baxaya kadib markii toddobaadkan gudihiisa lagu dilay magaalada qof kii afaraad oo ka tirsan dadka magaalada ku ganacsada.
Kooxda afka soo duubata ee shabaabka ayaa dilay mid ka mid ah dadka ganacsiga yar yar ku leh magaalada kaas oo loo dilay sida ay sheegayaan goobjoogayaal diidmo kala hor yimid amar ka soo baxay hogaamiyaha maleeshiyada shabaab ee Jowhar, amarkaas oo ahaa in ninkaasi isaga baxo guud ahaan dalka somaliya.
 
Marxuumka la dilay oo lagu magacabi jiray Muuse Cabdulle, waxaa lagu …

Warka Madaxdiisa »

[7 Nov 2009 | No Comment | 372261 views]
Hoos u dhac aad u weyn ayaa ku yimid dhalinyaradii ku biiri jirtay kooxda shabaab

Kadib markii ay fahameen waalidiinta soomaaliyed ujeedada kooxda shabaab in aysan ahayn diin u dagaal iyo difaaca diinta iyo dalka ayaa waxaa hoos u dhac ku yimid dhalinyarada da’dooda aadka u yar ee ku biiri jireen maalin walba kooxda shabaab oo ah koox u adeegta al qaacida.
Daraasaad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 3% wax ka yar labadii bilood aynu soo dhaafnay ay ka mid noqdeen kooxda shabaab, taasina waxay ku tusaysaa in la nacay ka mid ahaanshaha kooxda shabaab.
Inta badan dhalinyarada ku sugan gudaha dalka ayaa waxay bilaabeen in …

Warka Madaxdiisa »

[30 Sep 2009 | No Comment | 372268 views]
Xisbul Islaam”Haddii ay shabaab dagaal soo qaadan, kismaayo kaliya dagaal ka dhici maayo meel kasta ayuu sameyn doona”

Afhayeenka Golaha Shuurada Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Xaaji Caddow oo shir jaraa’id qadka taleefoonka ugu qabtay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in haddii dagaal u dhaxeeya Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab uu ka dhaco Kismaayo uu wada sameyn doono dhamaan deegaannada ay labada ciidan ku wada sugan yihiin ee Soomaaliya.
Ismaaciil Xaaji Caddow waxaa uu sheegay warar beryahan ka soo baxayay Magaalada Kismaayo ay ahaayeen in Xisbul Islaam uu kala doorto in uu raado Dowladda Soomaaliya ama Al-Shabaab ama uu Shacabka ka mid noqdo.
Afhayeenka Golaha Shuurada Xisbul Islaam ayaa sheegay in haddii  dagaal …