Articles in the Cayaaraha Category
Cayaaraha »
Xulka Soomaaliya ee Beach soccer-ka ayaa guul darro weyn dhabarka u sariyay xulka dhigooda ah ee Senegal kadib markii ay kaga badiyeen 11-4 cayaar saaxiibtinimo oo ka dhacday magaalada Lausanne ee dalka Switzerland 21-kii bishan.
Cayaartan oo ay maamulayeen khubaro ka socota beach soccer world wide ayaa xulka Soomaaliya ay soo bandhigeen cayaar farsamaeedu aad u sareysay iyo karti waxaana ay ugu dambeyntii xulka Soomaaliya soo hooyeen guul weyn oo taariikhi ah.
Intii dhexeysay 2007-2009 waxaa dalka Soomaaliya uu horumar weyn ka sameeyay cayaarta Beach soccer-ka loo yaqaano gudaha iyo dibadaba waxaana …
Cayaaraha »
JEDDAH – Ciyaar ka mid ah ciyaaraha tartanka koobka xusuusta ciyaartoydii hore ku dhexmartey labada naadi oo kala ah naadiga Somalifruit iyo naadiga Dahabshiil .
labada kooxood waxey ka mid yihiin naadiyada loogu bartey Ciyaar wanaag iyo asluub ciyaareedba, iyo weliba degenaan isla markaana Sumcad iyo taageerayaal badan ku leh magaalada Jeddah .
Saacaddu markey aheyd 05:00pm waqtiga magaalada Jeddah goorsoorihii ciyaartaasi dhexdhexaadinaayey uu seerigii ku dhuftey ciyaartuna ay ku bilaawatey mid aad iyo aad u kulul weerarada labada naadi ay badnaayeen .
Jawiga ciyaarta wuxuu ahaa mid feejignaan laglu ciyaaraayey iyadoo labada …
