Saldhiga » war kooban

Zenawi oo Weeraray Al Shabaab

18 July 2010 37298 views No Comment

Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa sheegay in xalka keliya ee Al Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadii qaraxyadii ka dhacay Kampala uu yahay in la tirtiro oo saaxada caalamka laga baabi’iyo.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii lala beegtay dad shacab ah oo Axaddi la soo dhaafay  ka dhacay magaalada Kampala, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof, 80-kelena ay ku dhaawacmeen.

“Ma jirto wax raja ah oo laga qabo in waanwaan iyo wadahadal lala galo kooxdaan, ma jirto xal kale. Waa in laga shaqeeyaa sidii kooxdaan loo tirtiri lahaa ayuu yiri ra’iisul wasaaraha mar uu saraakiil ka tirsan QM kala qeybgalayay shir looga hadlayey is bedelka cimilida oo ka dhacayey New York sida laga soo xigtey wakaalada AFP.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale cambaareeyay dowlada Eritra oo uu ku eedeyey inay taageerto kooxda Al Shabaab isagoo dowlada Asmara ku sheegay inay la mid tahay Al Shabaab.

Dowlada Uganda ayaa maalinimadii khamiista aheyd sheegtay inay diyaar u tahay dirista ciidamo nabad illaalineed oo dheeraad ah kadib markii xubnaha IGAD ay go’aan ku gaareen inay ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 2000 loo diro Soomaaliya bartamaha bisha August ee sanadkaan, kuwaaso hadii la geeyo Soomaaliya ka dhigaya tirada ciidamada AMISOM ee soomaaliya joogaa 8100 oo markaas noqoneysa tiradii kal hore la dalbaday in la geeyo Soomaaliya, awoodna u yeelan kara wax ka qabashada xaalada Soomaaliya.

Leave your response!

You must be logged in to post a comment.