Xukuumada Ina Cabdirashiid oo loogu baaqay in kalsooni soo weydiisato Baarlamaanka
Xukuumada Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa loogu baaqay in ay kalsooni soo weydiisato Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii dhowaan isku shaandheyn lagu sameeyay.
Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ku doodaya in Xukuumada looga baahan yahay in ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka, iyagoo sheegaya inay sharci tahay in Baarlamaanka la horkeeno Xukuumada cusub.
Xildhibaan Saleebaan Cabdi ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay ka doonayaan inuu hor keeno Xukuumadiisa Baarlamaanka, si cod loogu qaadi Golaha Wasiirada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay.
Xubnaha Baarlamaanka qaarkood ayaa gambar gaaban ugu fadhiya Xukuumada uu isku shaandheeyay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana soconaya kulamo gaar gaar ah oo ay Xildhibaanada wadaan.
Golaha Wasiirada cusub oo ay ka dhex muuqdaan Wasiiro horay ugu mid ahaan jiray Xukuumadii hore ayaa waxaa jira Xildhibaano dhowr ah oo aad uga biya diidan ku soo biirida xubnaha ku cusub Golaha Wasiirada.
Ma cada sida Xukuumada cusub ay xilligan uga heli karto Baarlamaanka codka kalsoonida, waxaana horay u jiray dhaliilo xoogan oo loo jeedinayay Xukuumada oo ku aadanaa dhaqaalo lunsasho iyo waxqabad la’aan, taasoo ay isku casileen Wasiiro dhowr ah









Leave your response!
You must be logged in to post a comment.