Dagaalyahano Al qaacida iyo Shabaab oo lagu dilay dagaal ka socda magaalada muqdisho
Dagaalyahano ajanabi ah iyo dablay shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay dagaal culus oo saaka waaberigii ka bilawday magaalada muqdisho iyadoo dagaalkan uu sababay in ciidamada dowladda ku sii sigaan degaano ay horey u joogeen shabaabka.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka shabaab iyo dagaalyahano ajanabi ah kuwaas oo dhibaatooyin ballaaran ku haaya shacabka soomaaliyed.
Sida ay sheegayan wararka dagaalka ayaa waxaa uu inta badan ka dhacayaa degmada xeebta xigta ee C/casiis halkaas oo muddo isku hor fadhiyeen Ciidamada Dowladda iyo dablayda shabaab.
Ciidamada Dowladda ayaa ku sii sigaya goobo ay ku sugnaayen dablayda shabaab, dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in ay arkeen meydad dhawr ah oo maleeshiyada shabaab ka tirsan.
Dagaalka oo weli socda ayaa la ogeyn khasaaraha ka soo gaaray dadka fara ku tiriska ah ee markii horeba ku haray xaafadaha dagaalka ka socda.









Leave your response!
You must be logged in to post a comment.