Madaxweyne Shariif”Bishan Gudaheeda anaga iyo kooxaha mucaaradka islama joogi doono magaalada Muqdisho” (Daawo Sawirada)
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shir jaraaid ku qabtay hotelka uu ka degan yahay magaalada London ee Hayat Regency isagoo ka warbixiyey kulamadii uu la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska  Gordon Brown iyo masuuuliyiin kale oo ka tirsan madaxda dalka Ingiriiska.


Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in isaga iyo masuuliyintii uu la kulmay ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dowladood iyo sidii dowlada ingiriiska ay u taageeri laheyd dowlada Soomaaliya, arimaha la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada iyo burcad badeeda iyo weliba lamaanayaasha u dhashay dalkaasi ee ay gacanta ku hayaan qaabkii looga sii deyn lahaa.



Madaxweynaha oo ka hadlayay xaaladda Soomaaliya isadoo sheegay in dowladiisa ay qaadeyso talaabooyin wax ku ool ah isla markaana wixii ka dambeeya bartamaha bishan aaney magaalada Muqdisho wada joogi doonin iyaga iyo Kooxaha ka horjeeda ay ku qaadi doonaan weerar buuxa oo dalka guud ahaan looga sifeynayo sida uu warka u dhigay ka dib markii ay diideen ayuu yiri iney wadahadal la galaan dowlada nabadana wax ka qaataan.

Madaxweynaha wuxuu booqday una tacsiyeedeeyey qoyska ay soo jeedaan lamaanaha ingiriiska u dhashay ee kooxaha burcad badeeda ay ku heystaan dalka Soomaaliya isagoo balan qaaday in intii karaankiis ah uu ku dedaalo doono sii deynta lamaanahaasi.
Sheekh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha  Soomaaliya waxa uu xalay ka hadlay xarunta Chatham House ee magaalada London, ka horna waxa uu la kulmay Ra’isal-wasaaraha Gordon Brown.

Waxa uu Madaxweynuhu la hadlay dadweyne ka socdey qaybo ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan magaalada London, siyaasiyiin, diblomaasiyiin, iyo weriyayaal ka tirsan saxaafadda kala gedisan, waxayna wax ka weydiiyeen xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya, qorshaha dawladdiisa, iyo socdaalkiisa









Leave your response!
You must be logged in to post a comment.