Saldhiga » war kooban

Xisbul-Islaam oo madax furasho ka qaadanaya dadka Reer Afgooye

9 February 2010 37265 views No Comment

Maleeshiyada Xisbul-islaam ee ku sugan degmada Afgooye ee gobalka Sh/hoose ayaa xabsiga dhigay in ka badan 300 oo qof oo ah dadka deegaanka kuwaas oo ay ka soo qabteen xaafadaha degmada Afgooye.

Wararku waxay sheegayaan in maleeshiyaadku ay galabnimadii axadda ay xabsiga dhigeen dad odayaal u badan oo reer Afgooye ah kuwaas oo ay ku amreen in ay lacago madax furasho ah bixiyaan haddii kale ay la kulmi doonaan garbaash ama in la garaaco.

Ciise Cali oo ka mid ah odayasha dhaqanka Degmada Afgooye ayaa sheegay in maleeshiyo ka tirsan Xisbul-Islaam ay ku amreen in ay fayl galaan(saftaan) ayagoo indhaha laga duubay, ka dibna ay gaari  saareen, waxayna dhigeen xabsiga, Ciise ayaa hadalkiisa raaciyay in subaxdii lagu wargiliyay in ay iibsadaan ama ay lacag bixiyaan si looga badbadiyo garbaash loo sheegay in ay ku xukumanyihiin.

Ciise ayaa sheegay in laga qaatay lacag gaaraysa 50$ ( konton doolaar) ka dibna la sii daayay, wuxuuna sheegay in dad badan oo xabsiga kula jiray laga qaatay lacago, halka ay boqolaal kale ay wali madax furasho u xiranyihiin.

Leave your response!

You must be logged in to post a comment.