Puntland oo digniin u jeedisay Shirkadaha Diyaaradaja Daalla,Cosob iyo Jubba
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa ka soo saaray amaro khuseeya Shirkaddaha Duulimaadyada ee xafiisyada ku leh Puntland.
Shirkan jaraa’id ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socota saddexda Shirkaddood ee ugu duulimayaadyada badan Puntland sida Daallo, Jubba iyo Cosob iyo kuwa kale oo iminka doonaya in ay xafiisyo ka furtaan gobolka.
Waxaa ugu horrayn halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland C/llaahi Jaamac Roorshe oo sheegay in looga baahan yahay Shirkaddah Duulimaadyada ee iminka ku howlan arrimaha qaadista dadka Xujayda ah ee ka dhoofaya Garoomada Puntland in ay kaamil yeelaan adeeg kasta oo uu u baahan yahay qofka raacaya Diyaaradaha ay wakiilka ka yihiin.
Waxa kaloo uu C/llaahi Jaamac Roorshe sheegay in looga baahan yahay wakiillada Shirkaddaha Duulimaadyada samaynaya in ay la yimaadaan laysanka iyo warqada cadaynayasa caymiska Diyaaradaha ay wakiilka ka yihiin oo ay u soo gudbiyaan Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland.
Mr. C/laahi Jaamac Roorshe waxa uu sidoo kale sheegay in Shirkaddaha duulimaadyada ee iminka qaadaya dadka dhoofiya ama Xujay ha ahaadaan ama kuwa iskood u dhoofaya ay keenaan dokomintiyo cadaynaya khidmadaha ay ka qaadayaan dadkaasi si ay iskula eegaan Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland oo iyadu howshan ay u taalo.
”Wakiilada Shirkaddah Duulimaadyada ee dadka qaada kana howlgala Puntland waa in ay u soo gudbiyaan xarunta Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland bil kasta dhaqdhaqaaqooda duulimaad, taas oo ay ku muujinayaan duulimaadyada u qorshaysan iyo kuwa aan diyaarka ahaynba, Kaargoo aan muran lahayn iyo rakaabka oo alaabtooda la dayicin lana socoda dhaqdahqaaqooda’’sidaasi waxaa yiri wasiir ku xigeenka Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland C/laahi Jaamac Roorshe.
Wasiirku waxa uu sidoo kale faray Shirkaddaha Duulimaadka ee iminka doonaya in ay xafiisyo cusub ka furtaan Puntland in ay ka qaataan warqad aqoonsi Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland.
Arintan ayaa waxa ay imaanaysaa xili ay Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland soo afjartay howilihii ka dhimanaa garoonka Diyaaradaha Kanoka Airport ee ku yaala bannaanka magaalada Garoowe kaasi oo ay sheegtay wasaaraddu in uu mardhow ka bilaabanayo duulimaadyadii ay ku samayn lahaayeen diyaaradaha.
Maxamed Cali Royter









Leave your response!
You must be logged in to post a comment.