Saldhiga » Qoraalo kooban

ALSHABAAB MISE AL SHEYDAAN ?

30 August 2009 3721,491 views No Comment
Dhagaha dadka waxaa ka batay magaca Alshabaab oo ah erey macnihiisu yahay dhalinyaro, waxeyna isku heystaan iney yihiin kuwa waxbadan ka yaqaana diinta Islaamka ,haseyeeshe arintaasi muran badan ayaa ka taagan.,waxaana cadaatay iney ku gambanaayan shaatigasi urur diimeedka.
 
Hadii sida magacooda ku xusan yahay loo tixraaco waxaa soo baxeyso weydiino badan oo ah ururku waa urur dhalinyaro,lakin Axmed Godane,Muqtaar Roobow ,Koba ku dukade iyo in kale oo badan oo ka tirsan mala dhihi karaa  waa dhalinyaro?
 
 Maya ee waa odayaal ku shaqeysanaayan dhalinyaro badan oo aan fikrad ka qabin waxa ay sameynaayan.
 
Ku dhaqanka shareecada islaamka waa mid ay ka mideysan yihiin dhamaan umada Soomaliyeed  maadaama bulshadu ay tahay mid  islaam,kuna dhasheen .
 
Dad badan oo Soomaaliyeed waxey aad uga argagaxsan yihiin urur isku shegay inuu doonayo inuu dalka ku maamulo shareecada Islaamka hadana aan laheyn Taariikh wanaagsan oo  looga daydo isdil mooye..
 
Waxey ku shaqeystaan dhalinyaro dhaqaale doon ah oo aan kala garan karin natiijada ka dhalan karta falkooda diiniyan xaaranta ah,waayo diinta islaamka waa ka xaaran in la galo dhiiga qofka Muslinka ah.
 
Waxey dilaan dhamaanba qofkey u arkaan inuusan ku aragti aheyn,waxeyna qilaafen dhamaanba cululaa’udiinka Soomaaliyeed ee ahaa marjaca kaliya ee loo laaban jiray.
 
Ciribtirka ay ku hayaan dadka waxgalka u ah bulshada qeybaheeda ugu muhiimsan ,sida Aqoonyahan,siyaasi,dhaqtar,culumaa’udiin iyo saxaafada xorta ah ee ka jirta dalka waxey ka mid tahay siyaasadahooda guracan.
 
Mabda ahaan waxaa lagu macneyn karaa iney yihiin Kursi doon ku gambanaya shareecada islaamka ay ukunka ku raadiyan tabo ka xun kuwii lagu yaqaanay hogaamiye kooxedyadii dalka soo maray..
 
Barakaca ay ku rideen shacabka daalan waxaa uu maraayaa heerkii ugu xumaa ebed ee Konfurta iyo bartamaha dalka,waxey dadku aadi jireen markii magaalooyinka wax ka dhacaan dhulalka baadiyaha ah ,waxeysa kooxda ku caanbaxday daadinta dhiiga shacabka u diiden in la helo meel lagu badbaado.
 
Guuxa dadweynaha dhibaateysan waxaa laga dareemayaa in shabaabka ka hor sidaan laga roonaay oo dhibku intaan ka yaraa,halka dadka qaarkiisa marka aad tiraahdid marka aad tiraahdid shabaabki ayaa sidaan ah ay la soo boodan ha dhihin Alshabaab ee waa Alsheydaan.
 
Waxaase leyku raacsan yahay in  dhibaatada ururka Alsheydaan uu mar aan sidaas u fogeyn soo gebageboobi doono.
 
 
W/Qoray Fardowso Maxamed Cabdulle

Leave your response!

You must be logged in to post a comment.