Saldhiga » war kooban

Ahlu Sunna oo ka erisay degaanka Galcad dablayda shabaab

15 August 2009 3721,572 views No Comment

Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa maanta sheegay inay gacanta ku hayaan Degmada Galcad ee Gobolka G/gaduud, kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay dagaalo kula galeen dablayda shabaab ee mayalka adag kuna xiran Al qaacida.

Afhayeenka Ahlu Sunah Sheekh C/llaahi Abuu Yuusuf ayaa qiray in dagaaladii ka dhacay deegaanadaas labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ugu itaal sheegteen Alshabaab oo uu sheegay in loo baahan yahay in laga sifeeyo Gobolada dalka somaliya oo dhan.

“Wali deegaanka inagaa gacanta ku heyna Khawaarijtii soo duushay dib baan u caabinay, firxadkooda ayaan ku raad-joognaa”ayuu yiri Abuu Yuusuf oo intaa ku daray inay hayaan Meydad dhowr ah oo ay ka dileen Alshabaab sida ay uu hadalka u dhigay.

Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu Yuusuf ayaa waxaa uu kaloo sheegay in deegaanka iyo nawaaxigiisa ay wali joogaan Culumaa’udiinka xaaladana ay tahay mid degan.

Dagaalo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay deegaankaas ayaa ahaa mid deegaanka Galcad ka dhigay xaalado jahwareersan, taasoo dhinacba dhinac uu sheeganayay inuu ku sugan yahay

Leave your response!

You must be logged in to post a comment.