Dhibaatada toga Swat ee bakistaan Ma La Soo Raraya Somaaliya
Waxa dalka Bakistaan ka soo baxsanaya dad ka tirsana shabakada al aqaacida iyo ururki maamulka laga tuuray ee Talabaan ee dalka Afqaanistaan kuwaas u soo baxaya Somaaliya iyo Yemen si u wadaan dagaaladi ay ku soo burburiyeen guryahooda.
Somaaliya kooxda u qaabilsan howsha soo dhaweeynta dableeyda baxsadka ah waa duul la baxay shabaab ee u sheegto hogaankeeda Axmed Cabdi Godane ee loogu yeero “Abusubeeyr”, dableeydan ah firxadka Toga Swat ee Bakistaan waayahan wax loo adeegsaday in Somaaliya ay ka dhigaan meel an wax nabad ah laga sameeyn Karin iyadoo la dilayo aqoonyahanda, dadka dhaqanka iyo saraakiil wax u soo bartay ineey umadooda wax u qabtaan.
Waxa dalka Bakistaan ka soo baxsanaya dad ka tirsana shabakada al aqaacida iyo ururki maamulka laga tuuray ee Talabaan ee dalka Afqaanistaan kuwaas u soo baxaya Somaaliya iyo Yemen si u wadaan dagaaladi ay ku soo burburiyeen guryahooda.
Shabaab iyo baxsadka al qaacida waxa si muuqata uga soo horjeedaan dowlada ku meel gaarka ee ee u madax ka yahay Shariif Sheekh Axmed, ujeedadooduna maha la badalo Madaxweeyne Shariif ee waxa dagaalyahanda shishheye ay rabaan in Somaaliya ay ka weeraraan dadlaka dariska isla markaana ku sugaan inta dalalkooda wax iska badalayo.
Shisheeyahan maha kuwa xoog buuran leh ee abuuri kara in Somaaliya is bedel siyaasadeed laga sameeyo ee waxay mudo yar abuuri karaan ee kaliya xasilooni darro ay ku dhintaan, ku dhaawacmaan ama ku barakacaan dad Somaaliyeed.
Haddi ay rumeeysan yihiin maxay ugu yeeraan jihad maxay ugu dhiman waayeen dalalkooda, xubno ka mid ah waa danbiilayaal caadi oo xukun loogu qaadi laha fal dambiyeedyo ay galeen oo soo fakaday.
Qaarna waa kuwa ijaar ku yimid oo shabakada al qaacida ay soo siisay hanti, waxa ku jira kuwa ay soo diraan dalal nabad diida ah ee sida Eritrea iyo Iraan.
Isku darka guud kooxdan waxay Somaaliya ka dhigayaan meel colaad ka sii jirto mudo dheer waxayna kala fogeeynayaan shacabka an khilaaf midab, diin iyo dhaqan midna.
Ugu dambeeynta waxa guuleeysan doona inta nabad jecel ee diidan argagixisanimo, waxaana looga saari kooxdan meel ay ku nastaan waayay sida Toga Swat ciidamada Bakistaan uga barakiciyeen
Maxamed Mursal
Ee laga Helo Sanca, Yaman











